a black and white living room with a large tv

ILAYSKII REJADA

Sep 7, 2026


Waxaan ku dhashay deegaan qurux badan oo dhul beereed ah oo la

yidhaahdo Tuurwacad, oo ka tirsan degmada Haroorays, balse xusuustayda

carruurnimo ma ahayn mid ku kooban deegaankaas, waayo aniga oo gu’ jir ah ayaa

lay geeyay degmada Qabribayax, halkaas oo ay degganayd ayeeyday oo aan ku

koray, gacanteedana aan ku bartay macnaha noloshu ay u leedahay gabadh yar oo

kolkaas un dunidu u cusub tahay. Waxaan ahayn qoys ballaadhan oo ka kooban

sagaal carruur ah, toddobo gabdhood iyo laba wiil, kuwaas oo aanu si wadajir ah

u wadaagaynay farxadda iyo kalgacaylka wada-dhalasho iyo carruurnimo ba. Xilligaas

dunidaydu waxay ahayd mid fudud oo aan ku xidhnayn waxbarasho maaddi ah, halka

dhanka diintana aan waxoogaa yar ka bawsaday aniga oo mar sii fog weynaaday.

Waxaan ahaa gabadh yar oo aan weli ogeyn in nolosheedu u dahsoon tahay

dhabarjab iyo xanuun mustaqbalka fog saameyn ku yeelan doona, xilli aan dunida

u arkayay meel qurux badan oo ay rejadu ceegaagto.


Waxaa dhacay kala guur.

Wax walba waxay isbeddeleen markii aan gaadhay ee aan baarka ka jaray da’daydii

toban jirka; da’dii ay ahayd inaan ku raaxaysto carruurnimadayda ayaa loo

beddelay xilli mugdi ah oo aan weli xusuusteeda la il-daranahay. Maalintii ayaa

la i kaxeeyay iyada oo lay geeyay meel ay deganaayeen dad markaa aan jaar

ahayn, aniga oo aan ogayn inay taasi noqon doonto maalintii ay dunidaydu

mugdiga gashay. Weli si fiican ayaan u sii xusuustaa in ay xilli duhur ah ahayd

oo ay qorraxdu aad u kululayd, balse xanuunkii i sugayay uu ka kululaa qorraxda

oo uu naftayda gubayay. Markii ay sakiintii i dilaacisay, waxaan dareemay

xanuun aad daran oo aanan erayo cabbira ama qeexi kara maskaxdayda ka dhex

helin karin, ka dibna waan miyir-daboolmay. Muddo ka dib haddii baa an soo

nuuxsaday oo uu miyirku ii soo laabtay, waxaan isku arkay mid xaalad aad u

daran ku sugan; waan argagaxay, waxaa laygu xidhay xadhig labada lugood ah oo

laygu tiktigay kor ilaa hoos, Si dhaawaca sida ula kaca ah la iigu geystay dhaymo u helo.


Aad baa la iigu nuujiyey dabarkan kor iyo hoos ba lugahayga lagu

silsiladeeyey. Waxay ahayd xaalad kakan oo aanan xataa awoodin inaan is-rogrogo

ama hadba fadhiga u boos beddesho. Xaaladdan silica iyo sakaraadka ah waxa ay

naftaydu ku sugnayd oo ay la xanuunsanaysay muddo shan iyo toban dharaarood ah,

aniga oo aan helin wax biyo iyo baad naf leh ah oo afka lay saaro. Markaan

caqliyeystay waxaan dib ka ogaaaday sababta sidaa la iigu galayo inay keliya

ahayd in boogtu aysan wax caabuq aheelanin si ay durba u bogsato. Wax kasta oo

aan samayn lahaa waxay ahaayeen kuwo si taxadar leh loo ilaalinayay, waayo

dhaqdhaqaaq kasta oo yarna wuxuu keeni karayey in boogtu ay furanto ama

wakhtiga soo kabashadu dheeraado. Inaan ilaa maanta xasuusto in calaamadaha

nabarradaas ay weli jidhkayga ku yaallaan, waxay caddeyn u tahay in nabar kasta

oo jidhka lagu reebo uu kaga tago raad aan qalbiga ka bixin xasuustaydana ka

dhammaanin. Waxay ahayd xilli aan gartay in noloshaydu ay isbeddeshay, in jidhkayga

lagu sameeyay wax aanan oggolaanayn iyo in aan markaas galay safar silic ah oo

saameyn doona caafimaadkayga inta noloshayda ka hadhay.


Markii aan gaadhay da’daydii 15-jirka noloshaydu waxay gashay

marxalad kale oo mugdi ah. Aniga oo aan lahayn waxbarasho, da’ yar, oo ku

mashquulsan nolol aan fahmaynin, ayaan raacay nin aan is-baranay. Ninkaasi wuu

iga waynaa, wuxuuna ahaa nin da’diisu ku qiyaasanayd 30-jir iyo wax ka weyn;

wuxuu lahaa waayo-aragnimo nololeed iyo waxbarasho ilaa heer fasalka 6-aad ah

oo uu Hargaysa ku soo qaatay, taas oo iga dhigaysay inaan dareemo inaan ka

hooseeyo marka la eego aqoonta iyo adduun-aragga ba. Noloshayadii guurka,

halkii ay ka noqon lahayd mid is-faham iyo farxad ku dhisan, waxay isu

beddeshay mid aan kala kulmay silic aan sareedo lahayn. Ninkaygu aad buu iigu

xumaa, balse waxaan mar kasta oo aan dulmi la kulmo u samri jiray uun

carruurtayda dartood; waxaan ahaa qofka u xamaala reerka, garab-siinaya carruurta,

sidaasna kusoo koriyay. Dhibaatada la ii geystay waxa ay noqotay mid jidhkayga

ku dhex nool oo aan marar badan dareemo sida  marka ay caadadu i soo wajahdo. Wareega

dhabarka iyo ubucda oo ii xanuuna si aad u daran ayaa igu noqday cudur aan ka

bogsanwaayo. Ilmahaygii kowaad ilaa Intii aan dhalayay ilmaha afraad, waxaan

soo maray silic aan caadi ahayn oo ay sababtay natiijada tooska ah ee gudniinka

fircooniga ah, kaas oo ka dhigay in dariiqa dhalmadu uusan si dabiici ah u

furnayn. Xanuunkaas wuxuu iiga tagay infekshan dhiigayga raacay iyo ubucda oo

mararka qaar I bararta. Waxaan aaminsanay in waxaas oo dhan uu sababay dhiigii

caadada ee wasakhda ahaa oo si quman oo ga soo bixi karaynin maadaama meesha la

wada xidhay. Maskax ahaan, marka aan xusuustayda dib u celiyo ee aan milicsado

dhaawicii jidheed ee igu reebay xanuunka ila factirsaday iyo culaysyada

nololeed ee aan la halgamo waxaa i qabta illin iyo oohin uurkutaallo ah markasta

oo aan soo xasuusto, waxaana marar badan is-waydiiyaa: "Maanta haddii aan

wax baran lahaa, nolashaas qadhaadh ee mugdiga badan iftiin baad kaga gudbi

lahayd?"


Markaan maanta eego gabdhahayga oo ka koraya agtayda, iyagoo

buugaagtooda xambaarsan, waxaa naftayda u soo carfa nolosha neecaw aanan

weligay ka soo urinin uduggeeda. Waxaan xasuustaa markii aan anigu ahaa

da'dooda; dunidaydu waxay ahayd mid madow oo hal mar la isku laabay sida buug

aan weli la akhriyin oo la gubay ka hor inta aan baalkiisa kowaad la furin.

Waxaan u fiirsadaa sida ay u ciyaaraan, u hamminayaan ee ay u qorshaysanayaan

mustaqbal ay iyagu leeyihiin. Waxaan dareemayaa inaan tabcay beer aanan anigu

helin iyadoo kale; waxaan ku waraabiyaa waayo’ragnimo ka dhalatay dhib nooc

kasta oo uu lee yahay, Samir, rejo iyo naxariis hooyannimo, aniga oo garwaaqsan

in gabadh kastaa xaq  u  lee dahay inay si dabiici ah u korto ka hor inta

aan wakhtigeeda la seejinin. Waxaan bartay in ubaxa la xoogo inuu si dhakhso ah

u engego, xataa haddii uu u muuqdo mid qurux badan daqiiqadda uu baxo. Gabdhahayga

ma rabo inaan arko iyagoo  qaylinaya wakhti

aanay u bislayn ama iyagoo xambaarsan xanuun aanay weli dhabarka saari karin.

Anigu waxaan ahay hooyo soo jabtay oo soo jibaaxday dariiq nololeed qodxo badan

oo mugdi ah oo aan helin ilays ka horreeya oo madowga waayaha uga gargaara.

Nasiibwanaag, maanta waxaan rajaynayaa oon ku faraxsanahay waddada aan

gabdhahayga u qardeeyey in ay tahay mid ay ku socon karaan iyaga oo madaxa kor

u qaadaya. Ma doonayo inaan u sheego meesha ay tahay inay maraan, laakiin

waxaan rabaa inay iyagu doortaan dhulka ay rabaan inay cagaha dhigaan.

Nabarrada jidhkayga ku yaalla iyo xusuusta xanuunka leh ee ku soohan

garashadayda waxay maanta noqdeen faynuus ifitiminaya jidka ay gabdhahaygu

qaadayaan, si aanay u marin meel aan anigu cagta saaray, oo aanay u dhadhamin

qadhaadhkii aan luuntay dacartiisa. Waxaan rabaa inayna cidna ku xadgudbin

xubnaha jidhkooda, ku qasbin kuna ku faragalinin mustaqbalka waxbarashadooda

iyo nolosha guurkooda ba. Waxa aan rabaa inaan arko iyaga oo ah hooyooyin

caafimaad jidheed iyo mid maskaxeed ba qaba, oo bulshadooda waxtar wanaagsan ku

soo kordhinaya, idamka Ilaahay.


 

Similar Blogs

News, Voices & Impact

Explore updates, field notes, and stories that showcase our mission and impact.