
ILAYSKII REJADA
Sep 7, 2026

Waxaan ku dhashay deegaan qurux badan oo dhul beereed ah oo la
yidhaahdo Tuurwacad, oo ka tirsan degmada Haroorays, balse xusuustayda
carruurnimo ma ahayn mid ku kooban deegaankaas, waayo aniga oo gu’ jir ah ayaa
lay geeyay degmada Qabribayax, halkaas oo ay degganayd ayeeyday oo aan ku
koray, gacanteedana aan ku bartay macnaha noloshu ay u leedahay gabadh yar oo
kolkaas un dunidu u cusub tahay. Waxaan ahayn qoys ballaadhan oo ka kooban
sagaal carruur ah, toddobo gabdhood iyo laba wiil, kuwaas oo aanu si wadajir ah
u wadaagaynay farxadda iyo kalgacaylka wada-dhalasho iyo carruurnimo ba. Xilligaas
dunidaydu waxay ahayd mid fudud oo aan ku xidhnayn waxbarasho maaddi ah, halka
dhanka diintana aan waxoogaa yar ka bawsaday aniga oo mar sii fog weynaaday.
Waxaan ahaa gabadh yar oo aan weli ogeyn in nolosheedu u dahsoon tahay
dhabarjab iyo xanuun mustaqbalka fog saameyn ku yeelan doona, xilli aan dunida
u arkayay meel qurux badan oo ay rejadu ceegaagto.
Waxaa dhacay kala guur.
Wax walba waxay isbeddeleen markii aan gaadhay ee aan baarka ka jaray da’daydii
toban jirka; da’dii ay ahayd inaan ku raaxaysto carruurnimadayda ayaa loo
beddelay xilli mugdi ah oo aan weli xusuusteeda la il-daranahay. Maalintii ayaa
la i kaxeeyay iyada oo lay geeyay meel ay deganaayeen dad markaa aan jaar
ahayn, aniga oo aan ogayn inay taasi noqon doonto maalintii ay dunidaydu
mugdiga gashay. Weli si fiican ayaan u sii xusuustaa in ay xilli duhur ah ahayd
oo ay qorraxdu aad u kululayd, balse xanuunkii i sugayay uu ka kululaa qorraxda
oo uu naftayda gubayay. Markii ay sakiintii i dilaacisay, waxaan dareemay
xanuun aad daran oo aanan erayo cabbira ama qeexi kara maskaxdayda ka dhex
helin karin, ka dibna waan miyir-daboolmay. Muddo ka dib haddii baa an soo
nuuxsaday oo uu miyirku ii soo laabtay, waxaan isku arkay mid xaalad aad u
daran ku sugan; waan argagaxay, waxaa laygu xidhay xadhig labada lugood ah oo
laygu tiktigay kor ilaa hoos, Si dhaawaca sida ula kaca ah la iigu geystay dhaymo u helo.
Aad baa la iigu nuujiyey dabarkan kor iyo hoos ba lugahayga lagu
silsiladeeyey. Waxay ahayd xaalad kakan oo aanan xataa awoodin inaan is-rogrogo
ama hadba fadhiga u boos beddesho. Xaaladdan silica iyo sakaraadka ah waxa ay
naftaydu ku sugnayd oo ay la xanuunsanaysay muddo shan iyo toban dharaarood ah,
aniga oo aan helin wax biyo iyo baad naf leh ah oo afka lay saaro. Markaan
caqliyeystay waxaan dib ka ogaaaday sababta sidaa la iigu galayo inay keliya
ahayd in boogtu aysan wax caabuq aheelanin si ay durba u bogsato. Wax kasta oo
aan samayn lahaa waxay ahaayeen kuwo si taxadar leh loo ilaalinayay, waayo
dhaqdhaqaaq kasta oo yarna wuxuu keeni karayey in boogtu ay furanto ama
wakhtiga soo kabashadu dheeraado. Inaan ilaa maanta xasuusto in calaamadaha
nabarradaas ay weli jidhkayga ku yaallaan, waxay caddeyn u tahay in nabar kasta
oo jidhka lagu reebo uu kaga tago raad aan qalbiga ka bixin xasuustaydana ka
dhammaanin. Waxay ahayd xilli aan gartay in noloshaydu ay isbeddeshay, in jidhkayga
lagu sameeyay wax aanan oggolaanayn iyo in aan markaas galay safar silic ah oo
saameyn doona caafimaadkayga inta noloshayda ka hadhay.
Markii aan gaadhay da’daydii 15-jirka noloshaydu waxay gashay
marxalad kale oo mugdi ah. Aniga oo aan lahayn waxbarasho, da’ yar, oo ku
mashquulsan nolol aan fahmaynin, ayaan raacay nin aan is-baranay. Ninkaasi wuu
iga waynaa, wuxuuna ahaa nin da’diisu ku qiyaasanayd 30-jir iyo wax ka weyn;
wuxuu lahaa waayo-aragnimo nololeed iyo waxbarasho ilaa heer fasalka 6-aad ah
oo uu Hargaysa ku soo qaatay, taas oo iga dhigaysay inaan dareemo inaan ka
hooseeyo marka la eego aqoonta iyo adduun-aragga ba. Noloshayadii guurka,
halkii ay ka noqon lahayd mid is-faham iyo farxad ku dhisan, waxay isu
beddeshay mid aan kala kulmay silic aan sareedo lahayn. Ninkaygu aad buu iigu
xumaa, balse waxaan mar kasta oo aan dulmi la kulmo u samri jiray uun
carruurtayda dartood; waxaan ahaa qofka u xamaala reerka, garab-siinaya carruurta,
sidaasna kusoo koriyay. Dhibaatada la ii geystay waxa ay noqotay mid jidhkayga
ku dhex nool oo aan marar badan dareemo sida marka ay caadadu i soo wajahdo. Wareega
dhabarka iyo ubucda oo ii xanuuna si aad u daran ayaa igu noqday cudur aan ka
bogsanwaayo. Ilmahaygii kowaad ilaa Intii aan dhalayay ilmaha afraad, waxaan
soo maray silic aan caadi ahayn oo ay sababtay natiijada tooska ah ee gudniinka
fircooniga ah, kaas oo ka dhigay in dariiqa dhalmadu uusan si dabiici ah u
furnayn. Xanuunkaas wuxuu iiga tagay infekshan dhiigayga raacay iyo ubucda oo
mararka qaar I bararta. Waxaan aaminsanay in waxaas oo dhan uu sababay dhiigii
caadada ee wasakhda ahaa oo si quman oo ga soo bixi karaynin maadaama meesha la
wada xidhay. Maskax ahaan, marka aan xusuustayda dib u celiyo ee aan milicsado
dhaawicii jidheed ee igu reebay xanuunka ila factirsaday iyo culaysyada
nololeed ee aan la halgamo waxaa i qabta illin iyo oohin uurkutaallo ah markasta
oo aan soo xasuusto, waxaana marar badan is-waydiiyaa: "Maanta haddii aan
wax baran lahaa, nolashaas qadhaadh ee mugdiga badan iftiin baad kaga gudbi
lahayd?"
Markaan maanta eego gabdhahayga oo ka koraya agtayda, iyagoo
buugaagtooda xambaarsan, waxaa naftayda u soo carfa nolosha neecaw aanan
weligay ka soo urinin uduggeeda. Waxaan xasuustaa markii aan anigu ahaa
da'dooda; dunidaydu waxay ahayd mid madow oo hal mar la isku laabay sida buug
aan weli la akhriyin oo la gubay ka hor inta aan baalkiisa kowaad la furin.
Waxaan u fiirsadaa sida ay u ciyaaraan, u hamminayaan ee ay u qorshaysanayaan
mustaqbal ay iyagu leeyihiin. Waxaan dareemayaa inaan tabcay beer aanan anigu
helin iyadoo kale; waxaan ku waraabiyaa waayo’ragnimo ka dhalatay dhib nooc
kasta oo uu lee yahay, Samir, rejo iyo naxariis hooyannimo, aniga oo garwaaqsan
in gabadh kastaa xaq u lee dahay inay si dabiici ah u korto ka hor inta
aan wakhtigeeda la seejinin. Waxaan bartay in ubaxa la xoogo inuu si dhakhso ah
u engego, xataa haddii uu u muuqdo mid qurux badan daqiiqadda uu baxo. Gabdhahayga
ma rabo inaan arko iyagoo qaylinaya wakhti
aanay u bislayn ama iyagoo xambaarsan xanuun aanay weli dhabarka saari karin.
Anigu waxaan ahay hooyo soo jabtay oo soo jibaaxday dariiq nololeed qodxo badan
oo mugdi ah oo aan helin ilays ka horreeya oo madowga waayaha uga gargaara.
Nasiibwanaag, maanta waxaan rajaynayaa oon ku faraxsanahay waddada aan
gabdhahayga u qardeeyey in ay tahay mid ay ku socon karaan iyaga oo madaxa kor
u qaadaya. Ma doonayo inaan u sheego meesha ay tahay inay maraan, laakiin
waxaan rabaa inay iyagu doortaan dhulka ay rabaan inay cagaha dhigaan.
Nabarrada jidhkayga ku yaalla iyo xusuusta xanuunka leh ee ku soohan
garashadayda waxay maanta noqdeen faynuus ifitiminaya jidka ay gabdhahaygu
qaadayaan, si aanay u marin meel aan anigu cagta saaray, oo aanay u dhadhamin
qadhaadhkii aan luuntay dacartiisa. Waxaan rabaa inayna cidna ku xadgudbin
xubnaha jidhkooda, ku qasbin kuna ku faragalinin mustaqbalka waxbarashadooda
iyo nolosha guurkooda ba. Waxa aan rabaa inaan arko iyaga oo ah hooyooyin
caafimaad jidheed iyo mid maskaxeed ba qaba, oo bulshadooda waxtar wanaagsan ku
soo kordhinaya, idamka Ilaahay.
Similar Blogs
News, Voices & Impact
Explore updates, field notes, and stories that showcase our mission and impact.